Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta u fariisatay dhageysiga dacwadda kiisaka Eedaysane Sayid Cali Daa’uud ayaa keentay marqaatiyaal, kuwaasi oo wax laga weydiiyay qaabkii falku u dhacay.
Marqaati Maxamed oo ka mid ahaa dadka wax laga weydiyay kiiska ayaa yiri”Aniga waxaan daganahay guriga ay marxuumad Luul ku dhimatay guri ku dhagan oo hoteel yar ah”Waxaan maqlay qaylo iyo buuq, kadib waxaa ku xigtay Luul oo Ashahaadaneysa oo dhaheysa Sayid Caliyow ha i gubin Illaaheey ka cabso meesha dad ma joogaan miyaa? ayaan dhagteeyda ku maqlay”.
Sidoo kale Marqaatiyaal kale ioo maxkamdda la horkeenay ayaa sheegay inay arkeen Eedaysnaha oo wata caag shidaal wata, oo doonaya inuu guriga gubo.