Ilo-wareedyo ka tirsan Ururka Maraakiibta Ganacsiga ee dalka Bangladesh ayaa soo sheegay inuu Markabka MV Abdullah uu haatan ku sugan yahay meel qiyaastii 4 nautical miles u jirta Xeebta degmada Godob Jiraan ee Gobalka Nugaal ee W/Bari ee Somalia.
Galabnimadii shalay oo jimco ahayd, abaarihii 3:30 daqiiqo ayuu Markabku bedelay Jihadii uu ku socday mar uu marayey meel 7 nautical miles u jirta Xeebaha Degmada Garacad.
Maalintii 5-aad ayaa afduub ahaan loo haystaa Markabka Xamuulka ee MV Abdullah oo ay la socdaan 23 Badmaax oo Bangladesh ah.
Wararka waxay sheegayaan in Koox cusub oo ka kooban 19 Burcad-baddeed, kuna hubeysan Hubka culus ay la wareegeen Hagida Markabkaasi, halka Kooxdii hore oo ka koobnayd in ka badan 50 dabley ay ka degeen Markabka.
Dhinaca kale, Burcad-baddeeda waxaa la soo weriyey inay dalbadeen Lacago madax Madax furasho oo dhan 5 million oo Dollar ama ay Badmaaxiinta waxyeelo u geysan doonaan.