Sabtidii shalay, waxaa xeebta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si rasmi ah uga soo shiraacday markabka sahminta iyo cilmi-baarista gaaska iyo saliidda ee dowladda Turkiga. Markabkan ayaa ah mid si gaar ah loogu talagalay in lagu baaro khayraadka dabiiciga ah ee ku jira xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee badweynta Hindiya.
Markabkaan sahminta ah ayaa lagu wadaa inuu ku wajahan yahay badda Soomaaliya, si uu u bilaabo baaritaanno la xiriira helista shidaal iyo gaas, kaas oo loo arko fursad dhaqaale oo weyn oo ka soo kordhi karta Soomaaliya. Waxaa la filayaa inuu markabku gaaro biyaha Soomaaliya dhammaadka bishaan, iyada oo sahminteedu ay noqon doonto talaabo muhiim ah oo kor u qaadi karta iskaashiga dhaqaale ee labada dal.
Mashruucani wuxuu qayb ka yahay dadaallada dowladda Turkiga ee ay ku baareyso khayraadka dabiiciga ah ee ku jira bariga Afrika, gaar ahaan xeebaha ku teedsan badweynta Hindiya, halkaas oo la rumeysan yahay in ay ku jiraan keyd shidaal iyo gaas oo aan weli la shaacin.
Waxaa sidoo kale la sheegaya in arrintani ay ku soo aadeyso xilli muhiim ah, iyadoo Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay u soo jiidan lahayd maalgashadeyaal shisheeye, isla markaana u hormarin lahayd dhaqaalaha dalka, iyada oo ka faa’iideysaneysa khayraadka dabiiciga ah ee badda iyo dhulka ku jira.