Markabkaasi oo ka soo shiraacday Dekedda magaalladda Mersin ee dalka Turkiga ayaa la sheegay inuu isbuucii hore soo gaaray Dekedda Weyn ee magaalladda Muqdisho
Shaqaalaha Samafalka ee Soomaalida ayaa sheegay inay Dowladda Turkiga u soo dirtay Somalia markab wada in ka badan 8,500 Tan oo isugu jirta cunto, Qamadi iyo Saliid, taasi oo loogu talagalay in loo qeybiyo dadka ku nool Deegaanadda ay Abaaruhu ku dhufteen.
Maxamed Yacquub oo ka tirsan Hay’adda Almanhal ee wada shaqeynta la leeh Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anatolu Agency (AA) in Kaalmadaasi laga qeybin doono Goballadda Banaadir, Bari, Nugaal, Sool iyo Awdal.
Twitterka Ergadda Turkishka ee ku sugan gudaha Somalia ayaa waxaa shalay lagu soo qoray in Cuntada Gargaarka ee uu wado Markabkaasi loo gudbin doono dadka ku tabaalaysan Muqdisho, Somaliland iyo Puntland.
Dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay Markabkaasi wada Gargaarka Aadminimadda soo dirtay, kadib, markii ay QM bishii hore ka digtay inay in ka badan 5 milyan oo qof oo Soomali ah oo u dhiganta 40% Tirada Guud ee Dadka Soomaalida aysan haysanin cunto ku filan oo ay quutaan.
QM waxay kaloo sheegtay in tirada dadka dhibaatada ka haysato inay helaan cunto ku kordheen ilaa 300,000 oo qof tan iyo bishii Feberaayo ee sannadkan.
©Radio Dalsan