Mareykanka, Ruushka iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa ka mid ahaa waddamo Talaadadi shalay riixayay isku day ay ku rabaan in dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamas hakad la geliyo ama in la gaaro xabbad-joojin, si fursad loogu helo in gargaar baniΓ’β¬β’aadannimo la gaarsiiyo dadka ku goΓ’β¬β’doonsan magaalada hareereysan ee Gaza.
Xilli ay wali sii socdaan duqeynta cirka ah ee ay ciidanka Israel ku hayaan Gaza, ayaa gelinki danbe ee shalay waxaa Gaza u gudbay illaa sideed baabuurta xammuulka ah oo waday cunto, biyo iyo dawo. Gaadiidkan ayaa ka gudbay Marinka Rafax ee ah kan kaliyah ee isku xira Gaza iyo Masar.
Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka ayaa sheegay, in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Mohamed bin Salman, oo Talaadadi shalay khadka telefoonka ku wada hadlay, ay isku raaceen Γ’β¬Εin la ballaariyo dadaalladda diblamaasiyadda, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka loogana hortago in rabshadaha ay sii faafaan.Γ’β¬Β