Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Lloyd Austin waxa uu ansixiyey in Xafiiska Iskaashiga Ammaanka laga furo dalka Qatar.
Afhayeenka Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon, John Kirby ayaa shalay shaaciyey Furitaanka Xafiiskaasi, iyadoo General Curtis Buzzard loo magacaabay Madaxa Taageeradda CJiiddanka Qaranka Afganistan.
Afhayeenka waxa kale oo uu xusay in la asaasay Ciiddamo Maraykan iyo Afganistan ee Aaga Hore, iyadoo Taliye looga dhigay Admiral Peter Vasley, isagoo taageero ka helaya General Curtis Buzzard oo isaga hoggaaminaya Xafiiska Maaraynta Iskaashiga Ammaanka ee Afganistan (The Defense Security Cooperation Management Office-Afghanistan).
General Curtis Buzzard waxa kale oo uu noqonayaa Maamulaha Maalgelinta Taageerada ee Ciiddanka Difaaca Qaranka Afganistan iyo taageerada diyaaradaha ee badbaadinta ciiddamada ku sugan Afganistan.
Dhinaca kale, Ciiddanka Maraykanka ee ku sii nagaanayo Afganistan waxay diirada saari doonaan sugida Amaanka oogitaanka Diplomaasiyiinta Maraykanka ee ku sugan Afganistan iyo Taageeradda Codsiyada Amaanka ee looga baahan yahay Garoonka Diyaaradaha ee Kabul, La-talinta iyo Taageerida Ciiddamada Afganistan iyo dadaalada lagula dagaalamayo waxa loogu yeero Argagixisada.
Mar sii horeysay oo shalay oo Jimco ahayd, Ciiddanka Maraykanka waxay ka wada baxeen Saldhiga Ciiddanka Cirka ee Bagram Air Base oo ku yaalla duleedka caasimadda Afganistan ee Kabul, iyadoo Ciiddanka Afganistan lagu wareejiyey Ammaanka Saldhigaasi.