Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dileen hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, kadib hawlgal ay ka fuliyeen buuraha Cal-Miskaad ee ku yaalla mamaul goboleedka Puntland
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah, hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.
Maraykanka ayaa sheegay in Al-Sudani ay la dhinten toban kale, inkastoo Mareykanku uu doonayey inuu qabto, balse sida la tilmaamay dagaalyahano la joogay Al-Sudani ay iska caabin sameeyeen.
Halwgalkan ayaa Maraykanku sheegay inaanay waxba ku noqonin ciidamada Maraykanka. Maraykanku waxay sheegeen inay fulinta howlgalkan ku wargeiyeen dawladda Soomaaliya.
La-taliyaha Amniga Qaranka ee dawladda Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa u sheegay inay dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso howlgalka uu Mareykanka ku dilay hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya.