War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika oo loo yaqaano (Africom) ayaa waxaa lagu shaaciyay in duqeyn ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose ay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Mareykanka ayaa shaaciyay in 19 Bishan laba duqeyn oo dhinaca cirka ah uu  ka fuliyay deegaanka Baladul Amiin ee Gobalka Shabeelaha hoose,halkaas oo ay ku sugan yihiib Xubno ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana ay ku dileen 11 Xubnood.
Sidoo kale waxa ay cadeeyeen mareykanka  in wax khasaaro ah duqeyntaas aysan kasoo gaarin dad rayid ah.
Sidoo kale Warka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika oo loo yaqaano(Africom) ayaa lagu sheegay in deegaanka Baladul Amiin oo 40km waqooyi kaga beegan Magalada Muqdisho ay Al-Shabaab ku qorsheeyaan weerarada ay ka fuliyan Magalada Muqdisho.
Taageerada uu siiyo Ciidamada Dowladda Federaalka ayuu sheegay Mareykanka in uu siiwadi doono si loo wiiqo awooda Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.