Waaxda maaliyadda ee dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay heshay xogta ku saabsan dad ka tirsan shabakad isku xiran oo dhanka fududeynta dhaqaalaha u qaabilsan Al-Shabaab, kuwaasoo lasoo bandhigay magacyadooda.
Qoraal lasoo dhigay bogga internet-ka ee Waaxda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in dadka la magacaabay ay door hoggaamineed ku leeyihiin Al-Shabaab ayna u shaqeeyaan sidii xiriiriye muhiim ah oo u dhexeeya kooxda iyo shirkadaha maxaliga ah ee Soomaaliya.
Shabakaddan ayaa ku howlanayd soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo hawlo la xiriira qorista dadka ku biiraya al-Shabaab.
Sida lagu sheegay warkan, marka laga soo tago in ay hormuud ka yihiin Al-Shabaab, fududeeyayaashan waxa ay xiriir toos ah la sameeyeen saraakiil kale oo horay loogu aqoonsaday iney yihiin Al-Shabaab.
Liiska magacyada la shaaciyay ayaa kala ah:
ABDULLAHI JEERI – oo la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka ugu geeyo Al-Shabaab
KHALIF ADALE – oo lagu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay inuu lacagaha uga soo aruuriyo hay’adaha aan dowliga ahayn
HASSAN AFGOOYE – oo lagu sheegay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kormeerna ku sameeya laamaha maaliyadda. Mareykanka ayaa ninkan madaxiisa dul dhigay $5 milyan.
ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE – oo lagu sheegay in uu soo noqday ku xigeenka madaxa qeybta maaliyadda ee Al-Shabaab, kana soo hoos shaqeeyay Mahad Karate
ABDI SAMADÂ – oo lagu tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha sare ee kooxda.
ABDIRAHMAN NUREY – oo lagu qeexay in uu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay
Saddex qof oo kale ayaa sidoo kale la shaaciyay, kuwaasi oo ka kooban shabakad qaabilsan kala gudbinta hubka oo magacyadoodu ka la yihiin: Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas)