Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreeysay ka hadashay khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal kasoo baxay Mareykanka ayaa waxaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble loogu baaqay inay si nabad ah ku xaliyaan khilaafkooda oo salka ku haaya kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo Awoodaha dhinaca sharciga ah.
Sidoo kale Mareykanka ayaa labada Mas’uul ka dalbaday inay diirada saaraan arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya Soomaaliya, si aysan dib u dhac ugu imaan doorashada oo la sheegay inay dib u dhici karto sababo la xiriira khilaafka Madaxda.
Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu guuldareystay in xal buuxa laga gaaro, kadib dadaalo maalmo qaatay oo labada dhinac ka wadeen Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.
Khilaafka ayaa sii xoogeystay, kadib markii Farmaajo hakiyay awoodaha Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana saacado kadib tallaabadaas ka jawaabay Rooble oo sheegay in Madaxweynaha uu wado Jabinta heshiisyadii doorashada, carqaladaynta hawlaha Xukuumadda iyo abuurista xasilooni darro.