Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa khudbad uu jeediyay waxaa uu kaga hadlay dagaalka u dhaxeeya ururka Xamaas iyo ciidamada Israa’iil.
Biden ayaa dhanka kale waxaa uu cambaareeyey weerarka xamaas ay ku qaadday israaill, isagoo weerarkaas ku tilmaamay ‘shar’
Dhanka kale, milateriga israa’iil ayaa sheegay, in dayaaraddii ugu horreysay ee sidda hub ka yimid maraykanka ay ka soo degtay saldhig ciidanka cirku ku leeyihiin koofurta israa’iiil.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa qorsheynaya inuu Israa’iil booqdo maalinta berri ah.
wuxuu geyn doonaa farriin ka kooban ‘midnimo iyo taageero, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka, Mathew Miller, isagoo cadeeyay in tani aysan ahayn safar lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo labada dhinac si loo soo afjato dagaalka u dhaxeeya.