Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii shalay ceyrisay safiirka Dowladda Koofur Africa u fadhiya magaaladan Washington, kaddib marki ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ku eedeysay in uu yahay siyaasi hurinaya isir-naceyb.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa bayaan uu Jimcihii soo saaray ku sheegay, in danjire Ibraahim Rasuul aan hadda kaddib laga soo dhaweyneyn Mareykanka, isaga oo ugu yeeray in uu yahay qof neceb Mareykanka iyo Madaxweyne Donald Trump.
Rubio ayaa bartiisa X ku yiri, “Safiirka Koonfur Afrika ee Mareykanka mar danbe lagama soo dhaweynayo dalkeenna. Ma jirto wax aan kala hadli karno, sidaas darteed waxaa loo aqoonsaday shakhsi aan garaado laheyn PERSONA NON GRATA.”
Madaxweynihi hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa warqadaha danjire-nimo ka guddoomay Rasuul, 13-ki bishii Janaury. Sida cud bogga internetka safaaradda South Africa ee Mareykanka, waxay aheyd marki labaad ee uu Rasuul noqonayo danjiraha Koofur Africa ee Washington.