Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon ayaa beenisay in saqdii dhexe ee xalay la duqeeyey Fariin ay Ciiddankooda ku leeyihiin Bariga dalka Syria.
Afhayeenka Taliska Milliteriga Maraykanka, Kolonel Wayne Marotto ayaa beeniyey in Ciiddankaasi la weeraray, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay Warar horey loogu sheegay in 2 Gantaal lagu duqeeyey Fariisinka Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan  goobta shidaalka laga soo saaro ee Al-Cumar ee Gobalka Dayr El-Zuur ee Bariga dalka Syria.
Beenintaasi ayaa soo baxday, kadib, markii ay  Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalka Syria sheegtay in Dagaalamayaal taageersan Iiraan oo ku sugan Deegaanka Mayadeen ee Gobalka Dayr El-Zuur gantaalo ku weerareen Saldhiga Maraykan oo aan ka fogeyn.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka u faafisa Syria ee SANA ayaa soo werisay in 2 Gantaal lagu duqeeyey fariisinka Ciiddanka Maraykanka ku leeyihiin goobta shidaalka laga soo saaro ee Al-Cumar.
Duqeyntaasi ayaa timid 6 maalmood kadib, markii Duqeyn lala beegsaday Ciiddanka Maraykanka ee ku sugn Bariga Syria.
Boqolaal Askar Maraykanka ayaa ku sugan W/Bari ee dalka Syria, kuwaasi oo gacan siiya Maleeshiyada isku magacowda Ciiddanka Dimquraadiga Syria ee dagaalka kula jirtay Kooxda Daacish.