Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaadday in ay kordhineyso caawinaadda militeri ee ay siineyso Ukraine, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Dmytro Kuleba, kaddib markii uu Poland kula kulmay madaxweyne Joe Biden.
“Ma jiro waddan kale oo aan ka helnay caawinaad ka badan tan uu na siiyay Mareykanka, waana mid aad muhiimu ah,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine.
“Geesinnimada reer Ukraine iyo hubka Reer Galbeedka – oo intiisa badan uu nooga imaado Mareykanka – ayaa horseedaya guul aan kasoo hoyinno goobaha dagaalka.”
Ma uusan bixinin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan nooca uu yahay garabka militeri ee ay ka heli doonaan Mareykanka, balse waxa uu yiri
“Maanta waxaan ballamo dheeraad ah ka helnay Mareykanka, kuwaasoo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynteenna ku aaddan dhinaca difaaca.”