Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykank, John Kerry ayaa hadlkaasi ku sheegay Khuddbad uu kaga hadlay Nabadda Bariga Dhexe, gaar ahaan Dhismayaasha ay Yuhuudda ka wadaan dhulalka La-haysto ee Falastiin.
Waxa uu tilmaamay in qorshaha Deegaamaynta Yuhuudda ee sii socda khatar ku yahay rajadda Nabadda ee Falastiin iyo Mustaqbalka Yuhuudda, wuxuuna tilmaamay inay dadka Yuhuudda rumeysan yihiin Hal Qaran oo Yuhuudda weyn ah.
Hadalkisia ayaa yimid dhowr maalmood kadib, markii ay Dowladda Maraykanka go’aansatay inay ka maqnaadaan Kulankii ay xubnaha Golaha Amnmaanka ee QM ugu codeeyeen inay Yuhuudda joojiyaan Deegaamaynta ay ka wadaan Dhulalka La-haysto ee Falastiin.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda, Benjamiin Natayaahu ayaa cambaareeyey Hadalka John Kerry, kuna tilmaamay mid u xaglinayo Danaha Reer Falastiin.
Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim ayaa soo dhaweeyey hadalka John Kerry, wuxuuna xusay inay diyaar u yihiin Wada-xaajoodka Nabadda, haddii ay Yuhuudda joojiyaan Deegaamaynta iyo Dhismayaasha ay ka wadaan Dhulalka La-haysto ee Falastiin.
©Radio Dalsan
Â