Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend ayaa sheegay inay Maraykanka u arkaan Khataro dhanka Ammaanka oo uga imaan kara Somalia, kadib, markii Ciiddankii Maraykanka ka joogay Somalia laga daad-gureeyey bishii hore, laguna meeleeyey meel ka baxsan Somalia.
Taliyaha waxa uu hadalkaasi shalay ka jeediyey Xarunta Madasha Istaraatiiyada iyo Cilmi-baarista Caalamiga, wuxuuna xusay inay xaqiiqo tahay in daad-gureyntaasi kediska ah ay khatar cusub oo dabaqyo ah ku tahay Hawlgalkooda.
Waxa uu tilmaamay in Khataraha ka jira Somalia ay cabsi ku tahay Deganaanshaha Afrika iyo khataro laga filan karo gudaha Maraykanka.
Taliyaha AFRICOM waxa uu xusay inay Maraykanka sii wadaan inay Saaxiibadooda Afrikaanka ka taageeraan sidii ay u furdamin lahaayeen Caqabadaha Ammaanka Somalia ee ay Alshabaab kala kulmaan.
Hadalka General Stephen Townsend waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Dowladda Maraykanka ka baaraan-degayso sidii ay Ciiddamo Khaas ah ugu soo diri lahaayeen gudaha Somalia iyo in kuwo kalena ay Saldhigyo rasmi ah ka dhigtaan dalalka Jabuuti iyo Kenya