Mareykanka ayaa Talaadadii u soo diray Masar saddexdii diyaaradood ee ugu horreeyay oo gargaar bini’aadannimo u wada Gaza, isagoo ballan-qaaday inuu caawinayo Falastiiniyiinta inta lagu guda jiro xabbad-joojinta Xamaas iyo Israa’iil oo xulafada la ah Mareykanka.
Duulimaadyada gargaarka ee siday cunnada, sahay caafimaadka iyo dharka qaboobaha ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee oo ay leeyihiin militariga Mareykanka oo siday gargaar tan iyo markii ay bilowdeen weerarrada Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar.
Duulimaadyada ayaa billowday maalin uun kadib markii madaxweyne Joe Biden uu sheegay inuu uga faa’iideysan doono kordhinta xabbad joojinta si uu gargaar badan u keeno Gaza, iyo iyadoo dadaallada caalamiga ah ay sii wadaan inay sii kordhiyaan xabbad-joojinta.