Dowladda Maraykanka oo Deeqdaasi soo marsisay Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa lagu wareejiyey Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM, sida uu sheegay Afhayeenka Ciiddankaasi, Gaashaanle Robert Kamaara oo la hadlay Wargeyska New Vision ee ka soo baxa dalka Uganda.
Xiriiriyaha Goobta ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, James Watters waxa uu Taliyaha Guutadda Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM, Brig Sam Okiding ku wareejiyey Qalabkaasi munaasabad lagu qabtay Xarunta AU-da ku leeyihiin Xeradda Xalane ee magaalladda Muqdisho.
Qalabka ay Maraykanka ku wareejiyeen Ciiddanka Uganda ayaa kala ahaa Labo Katerbilat, 4 garaders, 4 Makiinadaha dhulka lagu simo iyo 4 gaadiidka wax lagu dejiyo ee For Lift-ga, 2 Gaadiidka Tareelka, 4 Gaadiidka Wiishka leh ee lagu soo jiido Gaadiidka shilka gala  iyo Qalabkooda Dayactirka.
Dhinaca kale, Taliyaha Guutadda Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM, Brig Sam Okiding ayaa ka mahad celiyey Deeqdaasi, wuxuuna sheegay in gaadiidkaasi loo adeegsan doono dib-u-dhiska Waddooyinka muhiimka ee ay Ciiddanka AMISOM adeegsadaan iyo Hawlaha Samafalka, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhowr bilood ka hor ayey ahayd, markii ay Dowladda Maraykanka ugu deeqday Ciiddanka Uganda ee ku sugan Somalia Gaadiidka iska caabin kara Miinooyinka iyo Weeraradda Jid-galka eel ala beegsado Askarta AMISOM.
Xigasho: New Vision.co.ug
©Radio Dalsan