Danjiraha Maraykanka u jooga Kenya, Robert Godec ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Madaxda Kenya ku wareejinayey 6 Diyaaradaha Helikoptarada ee noocoodu yahay Belly Huey.
Munaasbaadaas oo ka dhacday Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Laiipia Air Base waxa uu xusay inay Diyaaradahaasi taageero ka geysan doonaan Hawlgalladda ay Ciiddanka Kenya kula dagaalamaan Xarakadda Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
“Helikoptaradan waxay taageero ka geysan doonaan weeraradda Cirka, Daad-gureynta Dhaawacyadda, Hawlgalladda Baadi-goobka ee dagaalka ka dhanka Alshabaabka ku sugan gudaha Somalia†ayuu yiri Robert Godec.
Waxa uu intaasi ku daray inay diyaaradahaasi xoojin doonaan sidii Ciiddanka Kenya loogu daad-gureyn lahaa iyo inay  ka fal-celiyaan weeraradda lagu soo qaado.
Danjiraha waxa kale oo uu amaanay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, isagoo sheegay inay muujiyeen Hoggaamin iyo inay daacad u yihiin inay difaacaan dalkooda, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale, Diyaaradaha Helikoptarka ee Bell Huey helicopters ee loogu deeqay Milliteriga Kenya ayaa waxay midiiba qaadi kartaa 13 qof.