Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa uga digtay dadkooda inaysan u socdaalin dalka Britain, iyadoo kuwa haatan ku sugan Burundi loogu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan uag soo huleelaan.
Arrinatan ayaa timid, iyadoo ay weli iska horimaadyo ka socdaan caasimadda dalkaasi ee Bujumbura.
In ka badan 80 qof ayaa la dilay tan iyo Jimcihii la soo dhaafay.
Kooxo hubeysan ayaa ka hawlgala Burundi, iyadoo la maqlayo tashiiradda iyo qaraxyadda, inkastoa aan ilaa iyo haatan la beegsanin dadka Shisheeyaha ee weli ku sugan dalkaasi.
Waxaa laga cabsi qabaa inay dagaallo sokeeye ka qarxaan dalka Burundi oo horey u soo maray marxaladaasi oo kale, balse aysan Siyaasiyiintooda ku tusaale qaadanin Dagaalkii Sokeeye ee hore ee lagu riiqmay.
Waddankaasi waxaa wada deggan Qowmiyadaha Huutuuga iyo Tuudsiga oo uusan ka dhexeynin Gacal Walaaltinimo hadday xaajaddu isku beddesho Dagaal-sokeeye.
© Radio Dalsan