Ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa bilaabay duqeymo xagga cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen kuwaas oo lagu bartilmaameedsanaayey kaydadka hubka, difaaca hawada iyo xarumaha saadka.
Waxaa la duqeeyey in ka badan toban goobood oo ay ku jiraan caasimadda Sanca, dekedda Xudeyda ee badda cas, Dhamar iyo waqooyiga-galbeed ee Sacda
Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa ka digay in Mareykanka iyo Ingiriiska ay qiimo weyn ku bixin doonaan waxa lagu sheegay gardarrada cad.
Tan iyo bishii November Xuuthiyiinta ayaa bartilmaameedsanaayay maraakiibta ku sii jeeda IsraaΓ’β¬β’iil si ay u taageeraan xulafadooda Xamaas.
Netherlands, Australia, Canada iyo Bahrain ayaa bixiyay taageero qayb ka mid ah howlgalka,halka Sacuudi Carabiya ay sheegtay in ay si aad ah ula socoto xaaladda.