Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta waxay Xarun cusub ka hirgeliyeen magaalladda Abu Dubai oo loogu tala galay in si Online looga baahiyo Barnaamijyo ka dhan ah Kooxda Daacish.
Xaruntaasi oo loogu magac daray The New Sawab Center ayaa la furay maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay, iyadoo loo adeegsanayo Farriimo ka dhan ah Kooxaha Islaamiyiinta, gaar ahaan Daacish iyo Alshabab.
Xaruntaasi waxay farriim Muuqaal iyo warar ku baahinayaan Adeegyadda Warbaahinadda ay Bulshooyinka ku xiriiraan, gaar ahaan YouTube iyo Twitter.
Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee dhinaca Diplomaasiyadda iyo Xiriirka Dadweynaha, Richard Stengel ayaa sheegay In Xarunta Sawab noqon doonto Xarun muhiim u ah Gobalka si loogu gudbiyo farriimaha ka dhanka ah Daacish.
Dhinaca kale, Waaxda Arrmaha Dibedda ee dalka Maraykanka waxay sannadkii 2011-kii hirgelisay Xarunta Istaraatijiyadda Isgaarsiinta lagula dagaalamo Argagxisadda The Center for Strategic Counterterrorism Communications (CSCC).
Xaruntaasi ayaa waxay farriimaha Online-ka ku baahiyaan Luqadaha Arabic, Somali, Urdu, Hausa iyo English, waxaana loogu talagalay in looga wacyi-geliyo Dhallinyaradda doonaysa inay ku biiraan Kooxaha Islaamiyiinta.
Daraasaad ay dhawaan soo bandhigtay Xarunta Broonkings ayaa lagu sheegay inay farriimaha Daacish ugu talagashay inay ku tashkiiliyaan Dhallinyaradda ay gaartay bishiiba ku kasbadaan ilaa 3,400 dagaalyahanno shisheeye.
© Radio Dalsan