|

Dhageyso:-Ciidamada Jubbaland oo weeraray Guriga mid ka mid ah Ugaasyada Gobolka Gedo

Maqal · Bilan Media · February 8, 2018

Ugaas Cabdirashiid oo ka mid ah Odayaasha Dhqanka Gobolka Gedo oo la soo xiriiray Idaacadda Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in Hoygiisa ay soo weerareen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland.

Ugaaska ayaa sheegay in Ciidamaas uu horkacayay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur ( Janan) ay weerareen Gurigiisa oo ku yaalla degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay Ugaaska in Xalay Maqribkii ay Gurigiisa tageen ciidamada Jubbaland balse isaga uu ka maqnaa balse ay ka qaateen lacag Guriga u taalay oo dhan  $2500 oo (Dollar).

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in Caruurtiisa la qalqal geliyay isagana uu xiligii Galabtii aheyd uu Gurugiisa isga cararay kadib makii uu ka warhelay in lagu soo wajahan yahay.

Weerarkaan ayaa waxa uu u sababeeyay in uu masuul ka yahay Nin Oday ah oo ka mid ah Waxgaradka degmada Luuq oo uu doonayay in uu xilka kala wareego balse uu diiday sidaasna lagu soo weeraray oo la doonayay in la dilo sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Dalsan ayaa xiriir la sameysay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Janan, si aan wax uga weeydiino eedeynta loo jeediyay balse kama jawaabin taleefoonadeena.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ugaas Cabdi Rashiid.

http://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/02/Wareysi-Ugaas-C.rashiid.mp3

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.