Maamul goboleedlka Galmugudug ayaa ku guuleystey in la kala qaado maleeyshiyo beleedkii shaley ku dagaalamey deegaanadda, Caabudwaaq iyo Xeraale waxaaana si rasmi ah loo kala dhex dhigey ciidanka dawladda.
Ciidamadda dawladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaana qaadey talaabadan,lagu daminaaya coladda ka alosan qaybo kamida Galmudug dagaaladan ayaa geystey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,taliyaha ciidamadda sirdoonka maamulka Galmudug Faysal Canood iyo ciidamo uu hogaaminaayo ayaana gaarey goobta lagu dagaalamey,iyagoo kala qaadey maleyshiyo beeleedkiid dagaalamey.
Dagaaladan u dhexeeya beelaha ood-wadaagta ah oo marar badan soo laalaabtey  ayaa waxaa ay isu hayaan dhul dawaaqsimeed,Culimo awdiinka,odayaasha iyo badiba labeenta Soomaaliyeed ayaa baaqyo xoogan,oo is daba jooga u direy,beeelaha ood-wadaagta aah dagaalamey.