Hadal ka soo baxay Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay dileen 7 Dagaalyahan, kuwaasi oo qorsheynayey inay beegsadaan Kirishtaanka looga badan yahay dalkaasi.
Maleeshiyadaasi ayaa la dilay, kadib, markii ay rasaas ku fureen Ciiddan ku sugnaa Degmadda Assiyuut ee Koonfurta dalkaasi oo ay ku badan yihiin Dadka Kirishtaanka.
Ciiddanka waxay sheegeen inay Hawlgalkaasi ku soo qabteen Hub,rasaas, mooto iyo qalab kale.
Toogashadan ayaa timid, hal maalin kadib, markii ay Kooxda Daacish Is-qarxin ka geysteen Kaniisado ku yaalla magaalladda Aleskandariya iyo Degmadda Tanta ee dalkaasi, kuna dileen ugu yaraan 44-qof.
©Radio Dalsan