Qorshahaasi ayaa la filayaa in maanta la dhaqan geliyo, kadib, markii la kala saxiixday Heshiis Xabbad-joojin lagu dhmaaynayo colaada sannooyinka badan ka socday Aleppo, taasi oo ah guushii ugu ballaarnaa ee uu Madaxweynaha Syria ka gaaray dagaalka 5 sanno jirsaday.
Dhinaca kale, Danjiraha Raashiya u jooga QM, Ambassador Fitaly Jurkin Raashiya ayaa sheegay  in Hawlgalkii Milliteri ee lagu xoreynayey magaalladda Aleppo ee dalka Syria uu marayo heer gebagebo ah.
Isagoo ka hadlay Kulan ay  Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM yeesheen ayaa waxa uu xusay in la joojiyey weerarkii Aleppo, si ay Maleeshiyadda uga wada baxaan magaalladaasi, wuxuuna dhinaca kale  carrabka ku dhuftay inaan loo baahnayn inay dadka rayidka ka tagaan guryahooda.
Xoghayaha Guud ee QM ee xilka ka sii degayo, Ban Ki-moon ayhaa bogaadiyey Dhacdadaasi, wuxuuna xusay inay si buuxda u taagerayaan dadaalka noocaasi iyo in Heshiis laga gaaro Dagaalka Syria.
©Radio Dalsan