Boliska Talyaaniga oo gacan ka helaya Saraakiil ka tirsan Hay’adda Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI-da waxay shalay galab sheegeen inay gacanta ku dhigeen Nin Somali oo lagu tuhunsan yahay inuu xubin ka yahay Kooxda Daacish, isla markaana uu doonayey inuu qarxin doono Kaniisadaha ku yaalla Talyaaniga oo ay ku jirto Kaniisadda Saint Peter’s Basilica oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Rome.
Boliska waxay magaca Eedeysanahaasi ku sheegeen Omar Moshin Ibrahim, kaasi oo Khamiistii hore laga soo qabtay magaalladda Baari oo ku taalla Koonfurta Talyaaniga, kadib, markii ay Boliska hawl-galo ilaalo ah ku hayeen muddo hal bil ah.
Eedeysanaha oo shaqaale Nadiifiye ka ahaa Shirkad ku taalla Baari ayaa la sheegay in la soo qabtay, xilli uu doonayey inuu ka ambabaxo magaalladdaasi.
Dhinaca kale, Boliska Talyaaniga waxay sheegeen in Eedeysanahaasi soo galay Talyaaniga sannadkii 2016-kii, isla markaana lagu tuhunsan yahay inuu xubin ka yahay Kooxda Daacish-ta ka dagaalanta Somalia.
Waxay kaloo sheegeen inuu Baraha Bulshadda ku isticmaali jirey Anas Khaliil, wuxuuna isku magacaabi jirey magaca Yuusuf.
Wargeyska Republican ee kasoo baxa Talyaaniga waxa uu qoray in ugu yaraan codad laga qabtay Eedeysanaha lagu magacaabo Omar Moshin Ibrahim, kuna magac dheer Anas Khaliil , isagoo sheegay inay bambooyin ku xirayaan Kaniisadaha ku yaalla Talyaaniga, gaar ahaan Kaniisadda ugu weyn ee magaalladda Rome.
“25-ka waa Kirismaska, Kaniisadaha wey buuxaan, Noo oggolaada inaan Bambooyinka dhigno dhamaan Kaniisadaha ku yaalla gudaha Talyaaniga†ayaa laga soo weriyey inuu Eedeysanaha u sheegay saaxiibkiisa mar uu Telefoonka kula hadlay, waa sida uu qoray Wargeyska Republican.
Boliska Talyaaniga waxat sheegeen in Mobaylka Eedeysanaha Soomaaliga ee Omar Moshin Ibrahim ka heleen Sawirka Xarunta dhexe ee Aqalka Vatican-ka ee Diinta Karishtaanka oo ku yaalla magaalladda Rome.
Ugu dambeyntii, Boliska Talyaaniga waxay tilmaameen inuu Eedeysanaha bogaadiyey weerarkii isbuucii hore ka dhacay Suuq ku yaalla magaalladda Strasbourg ee dalka Faransiiska, oo lagu dilay 5 qof.