Malaayiin dadka Deegaanka, Milkiilayaasha goobaha Ganacsiga iyo Shaqaalaha ayaa maanta bilaabay inay qodaan Barafka dul ceegaaga magallooyinka Washington, New York iyo magaallooyinka kale ee ku yaalla W/bari Maraykanka.
Cimilladda Barafka qabowga daran leh ayaa la sheegay inay u geeriyoodeen 19-qof dhowr Gobal oo ku yaalla Maraykanka.
Duufaanta Barafka ee haatan ka da’ayo Maraykanka ayaa la sheegay inay tahay tii labaad ee ugu weyn ee ka dhacda New York inta Taariikh ahaan la xusuusan yahay.
Hay’adda Saadaasha Cimiladda Maraykanka waxay sheegtay in saqdii dhexe ee xalay magaalladda New York uu barafku dhulka ka sara maray 26.8 inches, marka loo barbar dhigo Barafowgii dhacay sannadkii 2006-dii oo uu barafku dhulka ka sara kacay 26.9 inches.
Qabowga waxa uu ka hoos maray Heerka Barafowga ee -6
Guddoomiyaha Gobalka New York, Andrew Cuomo waxa uu ku dhawaaqay Xaallad Gurmad, iyadoo sidoo kale ay go’aankaasi qaateen 10 Guddoomiyayaal kale.
Dabaysha Barafka waxay saacadii jaraysaa in ka badan 64 Km/saacadiiba.
Ku-dhawaad 3,500 Duullimaad ayaa maanta la kansal-gareeyey, iyadoo in ka badan 600 kalena la kansal gareeyey Isniinta, sida laga soo xigtay Websaytka FlightAware.com ee lagu daabaco Xogta Duullimaadyadda.
Xigasho:REUTERS.
©Radio Dalsan  Â