Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Qaraxii lala eegtay dad dibadbax ka dhigayay Magaalada Addis Ababa halkaas oo uu tageerayaashiisa kula hadlayay Ra”iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.
Madaxweynahu wuxuu sheegay in falkaasi uu ahaa xadgudub iyo danbi weyn oo loo gaystay dad aan waxba galabsan isagoo sheegay in Cadaalada la mariyo kuwii falkaas ka danbeeyay.
Madaxweynahu wuxuu eheladii iyo qaraabadii dadkii ay dhibtu gaartay uga tacsiyeeyay isagoo hoosta ka xariiqay in uu la qabsanayo Xanuunka iyo Tiiranyada kuwa halkaas ku waayay Saxiibadood iyo dadkii ay Jeclaayeen.