Saaka oo Isniin ah, magaalada Hargeysa ayaa martigelineysa aas qaran oo loogu sameynayo madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasoo geeridiisu ay shacabka iyo hoggaanka dalka gilgisay. Marxuumka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanaa cusbitaalka weyn ee Hargeysa, halkaas oo uu ku geeriyooday.
Meydka marxuumka ayaa goordhaw laga qaaday cusbitaalka, iyadoo lagu soo wareejiyay goobaha loogu talagalay in lagu maamuuso ka hor inta aan lagu aasin qabuuraha Baqiic ee magaalada Hargeysa. Waxaa magaalada ka socota qabanqaabo heersare ah oo loogu diyaar garoobayo aaska, iyadoo waddooyinka qaar la xiray si loo fududeeyo isu socodka waftiyada iyo shacabka ka qayb galaya munaasabadda.
Aaska marxuum Siilaanyo ayaa waxaa ka qayb galaya mas’uuliyiin heer caalami ah, oo ay ka mid yihiin madax ka kala timid dalalka deriska ah iyo dibadda. Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sidoo kale ku sugan goobta, taasoo muujineysa sida marxuumka loogu tixgelinayo doorkii uu ku lahaa taariikhda iyo horumarka Somaliland.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xilka madaxweynaha Somaliland hayay muddadii u dhaxeysay 2010 ilaa 2017, isagoo lagu xusuusto dadaalladii uu ku bixiyay dhismaha maamulka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo nabadeynta gudaha. Doorashadii uu xilka ku wareejiyay Muuse Biixi Cabdi ayaa astaan u noqotay ku-dhaqanka nidaamka dimoqraadiyadeed ee Somaliland.
Shacabka Somaliland iyo taageerayaal ka kala yimid gobollada kala duwan ayaa ka qayb qaadanaya tacsida, iyagoo marxuumka ku tilmaamaya hoggaamiye taariikhi ah oo door weyn ku lahaa helitaanka aqoonsi buuxa iyo adkeynta xasiloonida dalka.