Ilo dhinaca Garsoorka ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay  Maxkamad ku taallo dalkaasi xaqiijisay in Maxamed Mursi lagu xukumay xabsi 20-sanno ah, kadib, markii lagu helay inuu kiciyey Dibadbaxyo lagu dilay dad rayid ahaa sannadkii 2012-kii.
Waxaa kaloo xukunkaasi oo kale lagu riday 2 ka tirsan Madaxda Kooxda Akhwaanul-muslimiinka Masar, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Maxamed Al-beltagi iyo Cisaam Al-eryaan.
Maxamed Mursi, waxaa horey xukuno loogu riday 3 Fal-dembiyeed oo uu ku jiro Xukun Dil oo uu ku muteystay Maxaabiis ka tirsan Akhwaanul-muslimiin oo jabsaday Xabsiga muddadii ay socdeen Kacdoonkii ka dhankaihii mudada dheer xukumayey Masar ee Maxamed Xusni Mubaarak sannadkii 2011-kii.
Sidoo kale, Maxamed Mursi waxa uu Xabsi Daa’im ku muteystay isagoo wax u basaasayey Dhaqdhaqaaqa Islaamiga Falastiin ee XAMAAS.
Maxamed Mursi waxa uu ahaa Madaxweynihii 5-aad ee soo mara dalka Masar, waxaana xilka ka tuuray Madaxweyne haatan ka taliya dalkaasi, C/fataax Al-sisi oo ahaan jirey Taliyaha Guud ee Ciiddanka Masar.
©Radio Dalsan