Donald Trump ayaa loo sheegay in uu wajahayo baaris dambi oo ku saabsan sida loo maareeyay faylalka sirta ah ka dib markii uu ka tagay Washington, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.
Talaabada ay dacwad oogayaasha federaalku ku ogeysiiyeen madaxweynihii hore ee dambi baarista ayaa ka dhigan in dhawaan uu wajihi karo eedeymo.
Haddii ay taasi dhacdo, waxay noqonaysaa eedeymihii labaad ee Mr Trump loo soo jeediyo , kaasoo mar kale u ololeynaya inuu noqdo madaxweynaha Mareykanka.