Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan doono xukunka ay kiiskiisa ka soo saareen xeerbeegtida New York iyadoo lagu helay inuu ku xad-gudbay haweeney qoraa ah oo lagu magacaabo Elizabeth Jean Carroll kadibna uu sumcad dil u geystay isagoo ku tilmaamay in ay been sheegtay.
Trump wuxuu ku sheegay go’aanka dacwadda madaniga ah mid ceeb ah oo isagu dhibane u yahay.