Shimon Peres oo 93 jir ayaa u geeriyooday Cuddurka Qalalka, iyadoo 2-dii isbuuc ee la soo dhaafay uu ku jiray Isbitaalka Tel Hashomer hospital ee duleedka magaalldda Telviv.
Shimon Peres wxa uu Israel Mdaxweyne ka ahaa muddadii u dhexeysay sannadihii 2007-dii ilaa 2014-kii, wuxuuna sannadkii 1994-kii ku guuleystay Abalmarinta Nabadda ee the Nobel Peace Prize.
Madaxweynihii hore ee Falastiin, Yaasir Carafaad  iyo Ra’isul-wasarihii hore ee Israel, Yizht Rabin ayaa iyagana xilligsi la guddoonsiiyey Abaalmarintaasi Caalamiga ah.
Mudadii uu xilkaasi hayey, waxay Milliteriga Israel labo jeer dagaal la galeen Mukhaawamadda Falastiin, taasi oo la sheegay inay ku geeriyoodeen ilaa 3,600 oo qof.
Dhinca kale, Madaxweynaha Maraykanka iyo Madax kale ayaa ka tacsideeyey geeridiisa.
©Radio Dalsan