Madaxweynihii hore ee dalkaasi, François Hollande oo xilka ka degay muddo haatan laga joogo wax ka yar hal sanno waxa uu qoray Buug uu kaga hadlay sababihii loogu fashilmay Gurmadkii Milliteri ee ay Ciiddamo Faransiis iyo kuwo Mraaykan ah ku doonayeen inay ku soo furtaan Sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka oo la oran jirey Denis Alex , kaasi oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku qabteen Hawlgal ka dhacay Degmadda Buulo-mareer ee Gobalka Sh/hoose sannadkii 2009-kii.
François Hollande oo ka tirsan Xisbiga Hanti-wadaagga (The Socialist) ee dalkiisa waxa uu Xogta guul-daradaasi ku soo bandhigay Buug uu ugu magac daray “Casharadda Awoodahaâ€ama “Lessons of Powerâ€waxa uu ku iftiimiyey Khibradiisa muddada 5-ta sanno ee uu fadhiyey Xafiiska iyo Amarkii uu ku bixiyey Badbaadintii Sarkaalkaasi lagu haystay Koonfurta dalka Somalia.
Waxa uu Buuggiisa ku xusay in Habeenkii ay Komaandooska  dalkiisa qaadeen Hawlgalkii lagu soo furan lahaa Sarkaalkaasi uu fashilkaasi dhibaato ku noqday Maamulkiisa.
Waxa uu tilmaamay in Hawlgalkaasi fashilmay dilkii qaar ka mid ah Askartii Faransiiska ee ka qeyb galay Hawlgalkaasi iyo fal-celintii ay Xraakadda Alshabaab ku dileen Sarkaalkii Sirdoonka Faransiiska ee ay Maxbuus ahaan u hayeen.
Bishii Janaayo 11-dii ee sannadkii 2013-kii waxay ahayd maalin uu Madaxweynihii hore ee Faransiiska qaatay Go’aan  Weyn, oo ay Ciiddamadiisa hawlgalo u aadeen Koonfurta Somalia, sida u uku qoray Buuggiisa, wuxuuna ka qoomameeyey Taladii Saraakiishiisa ku sheegeen inay Hawlgal Hebeenimo ah ku soo furan doonaan La-haystaha Faransiiska.
François Hollande waxa uu Buuggiisa ku qoray inuu Kulan Degdeg ah la yeeshay  Taliyayaasha Guutooyinka Ciiddanka Faransiiska, isla markaana uu Taliyaha Sirdoonka isaga u sheegay inay hal Guuto oo Ciiddanka Faransiiska ah diyaar u yihiin inay u ambabaxaan Hawlgalakaasi iyo inay awoodi karaan Hawlgalkaasi iyo inay isku gedaamaan guriga ay Alshabaab ku hayeen Sarkaalkii Sirdoonka ahaa.
Madaxweynihii hore ee Faransiiska, François Hollande oo isaga bixiyey amarka Hawlgalkaasi waxa uu Buuggiisa Cusub ku qoray inuu ugu dambeyntii Hawlgalkaasi horseeday dilkii 2 Askar Faransiis ah, tiro dad rayid Soomaali ah. Dagaalyahano Alshabaab iyo Sarkaalkii Sirdoonka Faransiiska ee Denis Alex  oo ay Alshabaab gacanta ku hayeen tan iyo sannadkii 2009-kii.
Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Faraniiska waxa uu Buuggiisa uu ugu magac daray “Casharada Awoodaha†waxa uu sheegay inuusan waxba ka sheegin Hawlgalkaasi ilaa uu ugu dambeyntii Taliyihii Ciiddanka Faransiiska, General Bugo ka soo Waco Mobaylkiisa Khaaska ah, una sheegin inuu Fashilmay Hawlgalkii lagu soo badbaadin lahaa Denis Alex.
“Waxaan rajeynayey inay calooshayda buuxin doonaan Wararka ka imaanayo Somalia, waxa ugu horreeyey ee maankayga ku soo dhacay waxay ahayd La-hayste Denis Alex†ayuu Madaxweynihii hore ee Faransiiska ku yiri Buuggiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Hawlgalkii Dagaal ee ay  Komaandooska Faransiiska kula galeen Xarakadda Alshabaab Degmadda waxa uu socday muddo 4 saacadood oo xiriir ah, waxayna Askartii Faransiiska dib ula laabteen Guul-darridii ugu xumayd, iyagoo iska caabin adag kala kulmay Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugnaa Degmadda Buulo-mareer..
Xigasho:Â alyaoum24.com