Girma Wolde-Giorgis oo 94 jir ah ayaa geeriyooday maanta, xilli ay 2 isbuuc ka dhinayd 95-guuradii dhalashadiisa.
Geeridiisa waxaa shaacisay Warbaahinta Dowladda Ethiopia.
Girma Wolde-Giorgis waxa uu Talada Madaxtinimadda Ethiopia hayey muddo 12-sanno ah inta dhexeysay sannadihii 2001-dii ilaa 2013-kii.
Lama shaacinin waxa sababay geeridiisa, waxa uu ahaa Nin si fiican uga hadli jirey Luqadaha Englishka, Faransiiska iyo Luqada rasmiga ee Amxaariga iyo Luqadda Qowmiyadiisa Afan Orama.
sannadihii la soo dhafaay waxa uu kaalin firfircoon ku lahaa dadaalkii Dib-u-heshiisiinta ee dalalka Ethiopia iyo Eritrea bishii July ee sannadkan ka gaareen Dagaalkiiu dhexeeyey Labada Waddan