Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga ay u soo magacawday Soomaaliya Pier Mario Daccò Coppi warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka.
Danjiraha cusub oo ka mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay, ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushii taariikhiga ahayd ee dalka looga qaaday Cuba-qabatayntii hubka waxaana uuna bogaadiyay hormarada laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay Talyaaniga.
Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay Munaasabadda ayaa waxaa uu u xusay ahmiyadda ay leedahay garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ee dagaalka ay kula jirto Shabaab.