Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo jimco ah ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa u safray magaalada Adis Ababa, si uu uga qeyb galo Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda.
Xasan Sheekh oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa waxa uu sheegay inuu Addis Ababa uga qeyb galayo Shirka dalalka Midowga Afrika, kan Madaxda Urur Goboleedka IGAD iyo Shir gaar ah oo ay leeyihiin madaxda dalalka Barriga Afrika.
Wuxuu caddeeyay Madaxweynaha Soomaaliya in mawqifkiisa damaca Itoobiya ee badda aysan waxba iska bedelin, isla markaana wax la aqbali karo aysan aheyd in lagu soo xadgudbo madax-bannaanida dalka.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Itoobiya ayaa noqonaya kii koowaad ee uu Xasan Sheekh dalkaas ku tago tan iyo markii uu dhacay heshiiskii is afgarad ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya kaas oo ay Soomaaliya si weyn ganafka ugu dhufatay.