Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliy dhigiisa dalka Ereteriya Isaias Afwerki ayaa kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.
Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidanka Badda ee tababarka u jooga Ereteriya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo xoreynta dalka.
Madaxwaynaha Jamhuuriyada ayaa ku bogaadiyey ciidankan dadaalka, aqoonta iyo kartida ay muujiyeen, inta ay tababarka ku jireen, waxa uuna u sheegay in ay yahiin tilmaamihii lagu yaqaanno Ciidanka Badda Soomaaliyeed.
Madaxwayna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqashada kaddib waxaa uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriy soo dhaweynta iyo qaabilaadda wanaagsan.
Madaxweyne Xasan ayaa inta uu ku sugna magaalada Asmara ee dalka Ereteriya waxaa uu kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki, isla markaana waxaa uu kala hadlay xoojinta xiriirka labada iyo arrimo ku aadan Ciidanka Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan.