Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka ahdlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dagaalka Alshabaab, kadib khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo umadda Soomaaliyeed la wadaagay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay khudbad laga soo duubay la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed, waxa uu ka hadlay sida siyaasadda maxalliga ah, arrimaha Dastuurka iyo khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeeya Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday ka hadalka dagaalka AlShababaab, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay laba jibaarayso dagaalka ka dhanka ah AS.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa fariin adag u diray siyaasiyiinta, waxaana uu ka hadlay Ansixinta Dastuurka, isagoo sheegay in la dhameystiri doono, sidoo Kalena dowladdiisu ay dadaal ku bixin doonto.