Madaxweynaha dooran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Madaxda maamulada iyo Wakiilada Beesha Caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay kulan la qaatay qaar kamid ah Musharaxiintii Madaxweyne ee ka tirsanaa Midowgii Musharaxiinta, iyagoona ka wada hadlay howlaha horyaalla Madaxweynaha cusub iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono.
Sidoo kale Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya Ambassador Hassan bin Hamza Hashem, wuxuuna kulanka uu ku saabsanaa salaan iyo duco.
Safiirka Qatar ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyay guushii uu Madaxweynaha ka gaaray, doorashadii ka dhacday Magaaladda Muqdisho ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleystay .
Wuxuu kaloo Madaxweynaha Soomaaliya kulan la qaatay Safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya. Kulanka oo ahaa salaan iyo Hambalyo ayaa safiirka waxaa uu madaxweynaha ugu hambalyeeyay guusha uu la gaaray doorashadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalka.