Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu uga qayb galo shir muhiim ah oo u dhexeeya Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, (EAC).
Madaxweyne Xasan ayaa jeedindoona khudbad uu madaxda iyo marti sharafta kale uga warbixinayo dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku wajahan la-falgalidda horumarada ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika..
Shirkan taariikhiga ah ayaa waxa ay madaxdu dib ugu milicsan doonaan waxqabadkii ay madashu gaartay intii ay jirtay, sidoo kalena waxa ay falanqeyn-doonaan caqabadaha iyo fursadaha isdhexgalka gobalka, gaar ahaan dhanka horumarinta xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Arusha kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dhigiisa ah ee dalalka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).