Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Turkiga ayaa halakasi ka wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo masuuliyiinta sar-sare ee dowladda Turkiga.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kulan gaar ah magaalada Ankara kula qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan.
Kulanka labada masuul oo ahaa mid arrimo dhowr ah lagu falanqeeyay ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha quseeya iskaashiga labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka.