Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan wadatashi ah Magaalada Dhusamareeb kula qaatay guddoonka iyo Xildhibaanada BFS, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ee ka howlgala furimaha dagaalka.
Kulankaaasi waxaa dhinacyada ka qeybgalay ay ka arrinsadeen dardar galinta dagaalka AL-Shabaab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh  oo ka hadlay kulankaasi uu xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay la dagaalanka alshabaab..
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku taliyay in dhallinyarada la marin habaabiyay ay ka soo laabtaan la shaqeynya AL-Shabaab,isla markaana ay wax la qeybsadaan bulshada Soomaaliyeed ee u xusul duubaya horumarkooda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa markale uu shacabka ku adkeeyay in ay u midoobaan dagaallka ka dhanka ah dagaalamayaasha alshabaab.