Madaxweynaha dowlada Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta la kulmay askar tababar u joogta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Madaxweynaha ayaa aad ugu hambalyeeyay askarta iyo dhamaan arday kale ee Soomaalida ah ee wax ku barta wadanka Turkiga.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadanka Turkiga u aaday ka qeybgalka shirweynaha xuquuqda adanaha ee lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalkasi.
Turkiga ayaa tababar iyo fursado waxbarasho waxa uu ugu deeqay dhalinyaro badan oo Soomaali ah tan iyo sanadkii 2011kii,waqtigas oo uu Turkiga si toos ah u bilaabay xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya.