Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa habeenkii xalay ku hoyday jiidaha hore ee dagaalka ee gobolka Hiiraan, isaga oo kormeer iyo kulammo la yeeshay madaxda maamulka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada Qaranka ee hormuudka u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha AS.
Madaxweynaha oo gaaray degmada Moqokori, ayaa halkaas kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), masuuliyiin ka tirsan maamulka, iyo saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada xoreynta deegaannada ku jira gacanta AS.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer uga xogwareystay saraakiisha ciidamada iyo madaxda maamulka Hirshabeelle, isagoo si gaar ah u dhageystay warbixinnada la xiriira guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo baahiyaha ka taagan jiidda hore. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladda uga go’an tahay taageerada Ciidamada Qalabka Sida, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda dagaalka lagu xoreynayo dalka.
Saraakiisha ciidamada iyo hoggaanka Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay horumarka laga sameeyay dagaallada socda, iyagoo xusay in ciidamada Qaranku ay guulo la taaban karo ka gaareen xoreynta deegaano badan oo horey ugu jiray gacanta kooxaha Al-Shabaab.
Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in joogitaanka Madaxweynaha ee jiidda hore ay tahay dhiirrigelin weyn oo xoojinaysa geesinimada iyo adkaysiga ciidamada.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidamada sida ay ugu dhiirradeen difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka, wuxuuna balanqaaday in dowladdu ay xoojin doonto taageerada ay siiso ciidamada, gaar ahaan dhinacyada qalabka, sahayda iyo daryeelka dhaawacyada. Sidoo kale, wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamada, maadaama guusha laga gaarayo dagaalka ay tahay mid u wada dhaxaysa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay saraakiisha iyo maamulka Hirshabeelle inay si dhow u wada shaqeeyaan, si loo sii dardargeliyo dagaalka lagu ciribtirayo AS, loona xaqiijiyo amniga iyo nabadda dalka.