Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka hor jeediyay Baarlamaanka Labada Aqal Khudbaddiisa Dastuuriga ah, xilli uu si rasmi ah u furmay Kalfadhiga 6-aad.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimo dhowr ah oo khuseeya xaaladda dalka, isagoo si gaar ah u iftiimiyay dagaalka lagula jiro kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab. Waxa uu caddeeyay in Dowladda Federaalka ay xooga saari doonto dagaalka ka dhanka ah kooxahan, si looga xoreeyo deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka.
“Waxaan mudnaan gaar ah siin doonaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliyeed waxay ka go’an tahay inay sii xoojiso dagaalkaas, ilaa laga cirib tiro cadowga,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa Buuraleyda Gobolka Bari. Waxa uu ballan qaaday in Dowladda Federaalka ay guddi u saari doonto taageerada Puntland, si loo xoojiyo dagaalkaas.
“Waxa aan garab taagan nahay shacabkeenna Puntland, guddi ayeyna Dowladda Soomaaliyeed u saaraysaa taageeradooda,” ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo muujiyay sida ay dowladdu uga go’an tahay inay gacan siiso Puntland dagaalka ka dhanka ah Daacish.
Intaa waxaa dheer, Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa uga hadlay arrimo kale oo ay ka mid yihiin doorashooyinka qof iyo cod, xaaladda amniga, dib u eegista dastuurka iyo arrimaha diblomaasiyadda ee dalka.
Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajaheyso marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la filayo in mudaneyaashu ay ka doodi doonaan arrimaha muhiimka ah ee hortebinta u leh dalka.