Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar laba maalin qaatay ku joogay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa dib ugu soo laabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed xubinnimada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoo ka warbixiyey dadaalka lagu bixiyey, fursadaha ku jira iyo awoodda dadka ay u leeyihiin in ay la tartamaan dhiggooda shucuubta Gobolka.
Xasan Sheekh oo shalay ka qeyb galay Shirkii hoggaamiyeyaasha Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dallada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda.
Ururkaan ayaa waxaa marka ku jiray toddoba waddan, balse Soomaaliya waxay ku noqotay dalkii siddeedaad. Waddamada Tanzania iyo Kenya ayaa kamid ahaa dalalka riixayay in Soomaaliya la siiyo fursad.