Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay booqasho kadis ah ku tagay qaar ka mid ah suuqyada magaalada Muqdisho, si uu u la falgalo shacabka una dukaameysto.
Madaxweynaha oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa gaaray suuqyada casriga ah ee ku yaalla Isgoyska Taleex ee degmada Hodan. Halkaas ayuu waqti kula qaatay qaar ka mid ah muwaadiniinta ku sugnaa goobaha uu booqday, isagoo si dhow u dhageystay aragtiyahooda iyo xaaladooda nololeed.
Intii uu ku sugnaa goobaha ganacsiga, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku amaanay bulshada ku nool caasimadda inay haystaan amni wanaagsan, taasoo suurtagelisay in uu si xor ah u booqdo goobaha ganacsiga.
Carruur, haween, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa si farxad leh ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha, iyagoo muujinayay kalsooni iyo soo dhaweyn ballaaran. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay shacabka sida ay uga go’an tahay inay u istaagaan nabadda iyo horumarka dalka.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladdu ugu jirto in la xoojiyo xiriirka tooska ah ee madaxda iyo bulshada, iyadoo ay sidoo kale iftiimisay horumarka dhinaca amniga ee ka jira caasimadda.