Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu maanta siiyey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anatolu Agency, wuxuuna  tilmaamay inay Doorashooyinka ku doonaan Xilliga loo cayimay.
“Doorashadda waxay dhici doontaa sida Jadwalku yahay Bisha November, waxayna Dowladda ka shaqeynaysaa  sidii looga gudbinb lahaa dhamaan dhibaatooyinka dib u dhigi kara Doorashadda†ayuu yiri Madaxweynaha.
Mar wax laga weydiiyey Musharxnimadiisa waxa uu carrabka ku dhuftay inuu aad ugu rajo weyn yahay in Xilli Labaad loo soo doorto Xilka Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia.
Wuxuuna intaasi ku daray inuu weli diyaar u yahay inuu Waddanka ku sii hoggaamiyo Horumar dheeraad ah iyo guul, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Dadka Soomaaliyeed xaq u leeyihiin inay doortaan Musharax haysta Ajende Siyaasadeed oo Cad.
Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa uu Dowladda Turkiga uga mahad ceeliyey Taageeradda ay la garab taagan yihiin Dowladda Federalka iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuuna tilmaamay inay iska cadahay doorka Turkiga e eSomalia, gaar ahaan Hawlaha Samafalka, Caafimaadka, Maalgashiga iyo Soo-celinta Kaabayaasha Dhaqaalaha ee somalia.
Madaxweynaha waxa uu safarkii Madaxweynaha Turkiga ku yimid Somalia sannaadkii 2011-kii sheegay inay horseeday horumar laga gaaro Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.
©Radio Dalsan
Â